Beel ka digtay xildhibaano Xasan Sheekh ku qoranayo Muqdisho

Beledweyne (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay Odayaasha Gobolka Hiiraan ku yeesheen magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa looga soo horjeestay qorsho ay DFS ku sameyneyso Xildhibaano matala Beelaha kasoo jeeda Hiiraan.

Odayaasha kasoo qeybgalay kulanka ayaa qaadacay qaabka ay dowlada Somalia u qorsheyneyso xulista Xildhibaanada ka imaan doona beelaha dega Gobolka Hiiraan, waxa ayna cod dheer ku sheegen inaanu waxba ka khuseyn Xildhibaanada ay dowlada ku diyaarineyso magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Odayaasha oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay inaan lagala tashan waxa ka socda magaalada Muqdisho, sidaa aawgeedna aanu waxba ka khuseyn shar iyo kheyrba wixii kasoo baxa howsha ka socta magaalada Muqdisho.

Odayaashu waxa ay sheegen in qorshaha iminka ay dowlada ka wado magaalada Muqdisho leysaga horkeenaayo Beelaha walaalaha ah ee dega Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Odayaasha ayaa sheegay inaanu aqbali doonin waxa ay dowlada Somalia ka wado magaalada Muqdisho, wuxuuna ka digay in dagaal iyo fidno hor leh laga dhexabuuro dadka ku nool magaalada Beledweyne.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, waxa uu sheegay in maalinta Axada ah ee fooda nagu soo heyso ay kulan la qaadan doonaan Xubno ka tirsan IGAD, islamarkaana ay ka hor cadeyn doonaan wixii la xiriira rabitaankooda.

Ugaaska ayaa waxa uu ka mid yahay oday dhaqameedyo caan ah oo sidoo kale uu ku jiro Malaaqa Xamari yo Xamardaye oo Xasan Sheekh uu ka reebay odayaasha soo xulaya xildhibaanada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com