Arag sawirro: Axmed Madoobe oo ciidan u diyaarsanaya Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa halkaasi ka furay tababar wajigii labaad ah oo lasiinaayo ciidamo cusub oo uu yeelanaayo maamulka Jubbaland.

Ciidamada tababarka loo furay ayaa ah Boolis kuwaasi oo la doonaayo in laga howlgaliyo goobaha ay bulshada ku badan yihiin si ay u xaqiijiyaan amaanka.

Wajigan labaad ee tababarka ayaa socon doona muda sadax bilood ah, sida ay sheegen Saraakiisha Ciidamada ee tababarka bixineysa.

Tababarka cusub ee lasiinaayo ciidamada ayaa waxaa dhawaan dalbaday Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, si loo kordhiyo tirada ciidamada maamulkiisa uu yeelanaayo.

Tababarka ciidamadaani ayaa imaanaya xili maamulka Jubbaland ay caqabad kala soo daristay dhanka Ex Hogaamiye Kooxeed Barre Hiiraale oo Hub iyo dhaqaalaba ka helay dowlada Mareykanka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9