Xog: Gaas oo natiijo uusan fileyn la kulmay kadib markii beesha…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan natiijo la’aan kusoo dhamaaday la qaatay qaar kamid ah xubnaha odayaasha dhaqanka ee beesha Reer Mahad  oo si weyn u dhaliilsan kala derista golaha deegaanka Gaalkacyo.

Odayaasha dhaqanka ee beesha Reer Mahad ayaa madaxweyne Gaas u sheegay iney ka xun yihiin kala derista uu ku dhaqaaqay C/Welli Gaas, iyagoo sharuud hordhigay madaxweynaha, taasi oo aheyd qaabka uu kusoo xulayo golaha cusub.

Odayaasha ayaa soo jeediyay in qaab deegaanka ama xaafad lagu soo xulaa golaha deegaanka sida uu qabo dastuurka maamulka Puntland, sida xogaha aan ku heleyno.

Madaxweyne Gaas ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka ee beesha Reer Mahad in golaha deegaanka lagu soo xulayo qaab 4.5 ah oo uusan qaadan doonin talada odayaasha dhaqanka, taasi oo odayaasha ka careysiiyay.

Gaas ayaa ku adkeysanaya in golaha deegaanka lasoo dhisayo oo qodob dastuuri ay tahay, balse qaab 4.5 lagu soo dhisayo golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas iyo odayaasha beesha kulankoodii uu kusoo dhamaaday is faham waa, balse caawa ayaa la rejeynayaa iney dib u kulmaan odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com