Xog: Xasan Sheikh oo baxsad ka ah saxaafada caalamka inta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka howlgala xarunta Villa Somalia ayaa xaqiijiyay in la-taliyayaasha Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ay caqabad ku noqdeen in Madaxweynaha uu xaalada dalka Wareysi ka siiyo Saxaafada caalamka.

Qaar kamid ah La-taliyayaasha Xassan Sheekh ayaa dhowr Saxafiyiin cadaan iyo Madowba leh ka diiday inay qaabilaan Madaxweynaha Somalia si ay uga wareystaan xaalada guud iyo xiliga kala guurka oo ay Somalia isku diyaarineyso doorashada.

Sababta ugu weyn ee loo hor istaagay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xassan uusan Saxaafada caalamka siinkarin xiligaani kala guurka ah warbixino ku aadan siyaasada Somalia iyo arrimaha doorashada waxa uuna ka caga jiiday inuu ka warbixiyo xaalada murugeysan ee uu dalka ku jiro.

Wariyayaasha ugu badan ee isku dayay inay qaabilaan Xassan Sheekh ayaa wakhtiga looga dilay ballamo aan dhamaad laheyn waxaana xusid mudan in mid waliba uu ugu danbeyntii ku laabtay dalkiisa isaga oo aan ka mirro dhalin ujeedkiisa.

La-taliyayaasha qaar ee la shaqeeya Madaxweyne Xassan ayaa qaab kale ka fahansan Saxaafada taasi oo sabab looga dhigay in Xassan Sheekh ay ku qanciyaan inaanu qaabilin Saxaafada shisheeyaha.

Qaar kamid ah howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha ayaa qaba in Xassan uu Wareysiga u diidaayo xaalada dalka oo aan wali caga dhigan, weerarada iyo dilalka oo wali ka socda magaalada Muqdisho iyo waliba Madaxweynaha oo dhex maquuraaya xaalado kala duwan oo ay ugu wacan tahay doorashada.

Qaar ayaa iyaguna qaba in Madaxweynaha uu ahmiyad gaar ah siinaayo Saxaafada maxaliga ah, sidaana uu ku diiday inuu qaabilo saxaafada kale.

Lama saadaalinkaro sababta rasmiga ah, balse waxa ay saadaashu tahay in Madaxweyne Xassan uusan wax muuqda kusoo biirin Somalia mudada uu xilka hayo.

Caasimda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com