Xog: Xasan iyo Hadliye oo Kenya la furay wada-hadal badda ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Dibedda Somalia Cabdisalaam Hadliye uu wada hadal hoose kula jiro Dowlada Kenya oo siyaasado qalafsan ay kala dhexeyso Somalia.

Cabdisalaam Hadliye, ayaa wada hadalkaasi qarsoodiga ah la sheegay inuu mas’uul uga yahay Madaxweyne Xassan kaa oo ku saabsan dhowr arrin oo ay koow ka tahay arrimaha Badda Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in wada hadalka Cabdisalaam Hadliye uu la furay Kenya ay meesha ka saareyso dacwada dhawaan ay dowlada Somalia u gudbisay Maxkamada Heeg, waxaana lasoo warinayaa in wada hadalkaani uu Somalia u horseedi doono inay hakiso dacwadii ay gudbisay.

Wada hadalka ay wada fureen Cabdisalaam Hadliye iyo Dowlada Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah xeer-ilaaliyaha Qaranka Kenya, Githu Muigai oo Oktoobar 20, 2015 Maxkamada u gudbiyay Dacwada Kenya ay ka qabto muranka Badda.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in la doonaayo in wada hadalkaani lasoo afmeero ka hor inta aan Somalia u guda galin doorashada, waxa uuna qorshuhu yahay in Dowlada Somalia ay soo laalaabto kiiskaasi si dowlada imaan doonta ay ugu jahwareerto.

Lama sheegi karo waxa uu biyo dhaca qorshahaani noqon karo, waxaase la filayaa in arrintaani ay ugub ku noqon doonto Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com