Lix ganacsato oo Soomaali ah oo mar qura la xasuuqay kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in weerar halkaasi ka dhacay lagu laayay Soomaali dhowr ah.

Weerarka ayaa waxaa qaaday Kooxo Burcad ah kuwaasi oo weeraray ganacsato Soomaaliyeed oo ku ganacsanaayay Magaalada Cape-ton ee Dalkaasi.

Mid kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Cape-ton oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa Lix Ganacsato Soomaali ah oo ku kala dhaqnaa goobo kala duwan.

Ganacsatada la dilay ayaa waxaa kamid ah Ganacsade lagu magacaabi jiray C/laahi Maxamuud waxey ku dhex Dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla Tuulada Masako ee Magaalada Cape-ton ee Dalkaasi.

Weerarada kala duwan ee lagu dilay ganacsatadaasi ayaa waxa ay qeyb ka yihiin weeraro dhowr ah oo Kooxaha Burcada ay maalin waliba u geystaan Soomaalida dalkaasi ku ganacsata.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay Safaarada Soomaalida ee dalka Koonfur Africa iyo Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com