Musuq-maasuq ka dhex socda xarunta CID-da ee magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in musuq-maasuq heerkii ugu sareeyay uu ka dhex jiro Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Musuqa xoogiisa ayaa ka jira qeybta laga bixiyo warqadaha “Cadeynta danbiyada” waxaana halkaasi lagu kala qaataa dhaqaale xoogan oo ka badan tan maalintii u dhacda dowlada Somalia.

Dadka u cadeymaha doonta xarunta ka hor inta aysan sameysan baasaboorka ayaa waxaa warqada loogu sameeya lacag $10 dollar ah, halka $20 ilaa 25 dollar lagu bixiyo qaab musuq ah.

Dadka danyarta ee warqadaha cadeynta danbi la’aanta u doonta xarunta ayaa lagu xujeeya inay bixiyaan lacago dheeri ah, iyadoo haddii ay bixin waayan lacagtaasi warqahada lasiiyi afar cisho kadib.

Dadka bixiya lacagaha musuqa ayaa warqadaha cadeynta lasiiyaa wax ka yar saacad gudaheeda, halka dhibta ugu weyn ay tahay mid lagu hayo dadka aan heysan dhaqaalaha iyo kuwa aan garabka heysan.

Dadka qaarkood ayaa is weydiinaya sababta ka danbeysay in musuq-maasuq looga dhex shaqeeyo Xarunta CID-da oo aheyd halkii lagu baarayay dadka loo xiro baaritaanada musuqa.

Inta badan xarumaha dowlada ayaa waxaa lagu bixiyaa lacago sharci daro ah oo laga qaato dadka shacabka ah.

Ma jirto cid si gaara isku xil saartay baabi’inta  musuqa ka dhex jira xarunta CID-da oo lagu kala qaato lacago ku dhaca jeebka shaqsiyaad gaara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com