Axmed Macallin FIQI oo ka hadlay gabadhii lagu dilay Muqdisho ee 9 jirka ahayd

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya, ayaa dareenkiisa ku biiriyey dilkii magaalada Muqdisho loogu gaystay Deeqa Daahir oo ahayd gabar 9 jir ahayd, oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay dileen markii ay rasaas ku fureen baabuur ay saarnaayee arday. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

Waxaan daawaday muuqaal aragagx leh oo hooyo Safiyo Maxamed Axmed ay uga warramayso fal naxdin leh oo maalintii 18/09/2018 lagu diley gabadheedii Deeqo Daahir Cali oo 9 sano jir ahayd magaalada MUQDISHO, taasoo dhiganaysay dugsiga hoyga Xamar, falkaasoo hooyadu ay u sheegayso si faahfaahsan askariga diley gabadheeda, dhaawacana u geystay arday kale oo gaari la saarnaa Deeqo, ayadoo sheegtay in uu askarigaas ka tirsanaa ciidamada nin lagu magacaabo Gen. Sheegow.

Maamada, qoyska, bahda dugsiga hoyga Xamar iyo saaxibadii Deeqo waxaan uga tacsiyeynayaa geerida gabadhooda sida xaqdarrada loo diley, sabir iyo Iimaan.

waxaa taliyaha ciidamada xoogga iyo maxakamadda ciidamada qalabkasida iyo xukuumaddaba looga fadhiyaa in askarigaas dilaaga ah loo soo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan sharcigana la horkeeno. انا لله وانا اليه راجعون.