Ciidanka DF oo Muqdisho ku dilay mas’uul ka mid ah shaqaalaha DF (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay ruux watay gaari nuuca raaxada ah.

Dilka ruuxaani ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsanaa dowlada kuwaa oo la socday gaari nooca dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa in gadaal ay ka toogteen ruuxaani oo magaciisa lagu sheegay Dayax Iimaan Xasan Jiirow.

Dayax Iimaan Xasan oo ah marxuumka la dilay ayaa ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in ka hor dilka ay wada murmeen mid ka mid ah askarta saarneyd Gaariga iyo Marxuum Iimaan kadib markii wadada ay noqotay mid mashquul badan,sidaasina uu ku rasaaseeyey.

Ciidanka toogashada geystay ayaa socodkooda iska sii watay, waxaana aagga uu dilka ka dhacay soo buux dhaafiyay shacab fara badan oo daawanayay sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka ruuxa la dilay.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa si bareera u toogta dadka shacabka iyo kuwa la shaqeeya dowlada ee isticmaala waddooyinka magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, dilka ruuxaani ka tirsanaa shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xili maanta dilal dhowr ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com