Netanyahu oo gadaal ka riixaya weerar la rabo in lagu qaado dalka IRAN

Qaahira (Caasimada Online) – Professor culuumta siyaasadda ka dhiga Jamaacadda Qaahira, Hassan Naafa ayaa ka digay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu Mareykanka u horseedi doono dagaal ay la gasho Iran, waxaa sidaas warisay shabakadda Almesryoon.

Nafaa waxa uu Twitter-kiisa ku soo qoray: “Ha dhayalsanina kibirka iyo doqonnimadiisa. Waxa uu ku adkeystaa goosashada Golan Heghts iyo in uu Iran ka saaro Suuriya.”

“Israel waxa ay dooneysaa in ay meesha ka saarto Xisbullah xataa haddii ay ku qasbeyso in ay Mareykanka ku riixdo dagaal ay la gasho Iran, si ay meesha uga saarto hoggaanka xunkeeda haya kuna riixdo in xiriirka Russia iyo Mareykanka qarka burbur u fuulo. Sidaas daraadeed, maalinba maalinta xigta cabsideyda ah in gobolka waqti adag soo wajaho wey sii xoogeysaneysaa,” ayuu ku daray.

Nafaa hore waxa uu u sheegay in midnimo la’aanta dowladaha Carabta ay dhabbaha u xaartay dhaq dhaqaaqa Mareykanka ee u ol’oleeya Israel iyo wiiqidda gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com