WAARE oo XAAF u dhigay cashar SIYAASADEED.!!

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa arbacaduu shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyey in maamulkiisa iyo dowladda dhexe ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyey.

Waare oo ka mid ahaa golaha iskhaashiga maamul gobolleedyada ayaa si lama filaan uga soo goostay  ugu dambeynna wadahallo la furay dowladda dhexe halka uu ugu baaqay  kuwa kalena in ay ku daydaan.

Hase ahaatee, go’aankii uu isaga qeybta ka ahaa ee ay maamul gobolleedyada shirkii Ksmaayo xiriirka ugu jareen dowladda dhexe, ayaa noqday mid ay shacabka Soomaaliyeed aad uga horyimaadaan iyaga oo ku tilmaamay mid si ula kac ah loogu talagalay in lagu wiiqo dowladnimada Soomaaliya ee soo kabashada ku jirta.

Dhinaca kale, waxaa Iyana jirtay dood ahayd in go’aankii Kismaayo uu u adeegayey xubno gaar ah oo ka tirsan maamul gobolleedyada sida hoggaamiyeyaasha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Jubbaland Axmed Madoobe.

Casharka Siyaasadeed ee uu Waare u dhigay Xaaf?

Hore ayey Soomaali u tiri “Kor waayeel waa wada indho!” Iyada oo la wada ogyahay in maamul gobolleedyadu aysan isku dano ahayn,  mid walbana tabasho gaar ah leeyahay, taas waxa ay caddeysay in madaxweyne Waare shirkii  Kismaayo wax weyn uga bexeen oo uusan halkaas ku soo bandhigi kareen.

Yeelkeede, Waare waxa uu dheelay ciyaar siyaasadeed isaga oo u daneeyey maamulkiisa ugu da’da yar dowlad gobolleedyada Soomaaliya iyo waliba kursigiisa, maxaa yeelay “Siyaasaddu ma leh saaxiib joogta ah balse  dan joogta ah!”

Heshiiska  dowladda dhexe iyo Hirshabeelle waa mid u muuqday mid ku dhammaaday ‘Win Win solution’, oo labada dhinacba ku qanceen taas oo muujineysa in Waare cashar siyaasadeed u dhigay saaxiibbkiisa ay dariska yihiin ee Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Shirkiisii jaraa’id,  Waare waxa uu ku soo qaatay khilaafka halakeeyey Galmudug isaga oo sheegay in uusan sidaas oo kale la rabin Hirshabeelle!

Ogow, ciyaarta uu dheelay Waare waa mid uu ku miisaamay waaqica ka jira dalka, maxaa wacay? Maamulada kale sida Puntland waxaa awoodda gacanta ku haya hal qabiil halka Hirshabeelle iyo Galmudug ay qabiilo badan ku mideysan yihiin –waa u nugul yihiin kala qeybin! Waare waxa uu ka badbaaday dabinkii uu Xaaf isaga oo arka mar labaad halow yiri!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid