Ethiopia oo yeelan doonta madaxaweyne ama ra’iisul wasaare xigeen Somali ah

Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin Dawaar ayaa sheegay war ka yaabiyey dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan dadka Soomaali Galbeed, oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Ethiopia.

Faarax Macallin oo dhawaantan aad ugu dhuun duleelay is bedelada siyaasadeed ee Itoobiya ka socda, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in doorashada guud ee Itoobiya ka dhici doonta ay Soomaalida heli doonaan jagada madaxweynaha ama ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Tallaabadaas oo u muuqata mid si weyn wax uga bedeli doonta awood qeybsigii Itoobiya ayuu Faarax Macalin ku tilmaamay mid sinnaan iyo cadaalad u horseedi doonta Itoobiya.

Faaraax Macallin waxa uu yiri: “Kaddib doorashada guud ee soo socota, madaxweynaha ama ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya waxa uu ahaan doonaa qof ka soo jeeda qowmiyadda Soomaalida. Itoobiya waxa ay furtay bog taariikheed oo aad u xoog badan. Sinnaan iyo cadaalad u dhexeysa Itoobiyaanka ayaa si awood badan uga hirgali doonta. Ilaahay ayaa ku mahadsan awooddii ay lahayd Geeska Africa banaanka ayaa la keenay.”

Itoobiya waxaa ka socday is beddello siyaasadeed oo ruxay Geeska Africa tan iyo markii uu xilka raisul wasaare qabtay Dr Abiy Ahmed.

Hase ahaatee, xogta Faarax Macallin ayaa ku soo aadeysa xilli ay heshiisyo kala saxiixdeen Soomaalida iyo Oromada, halka ay Asmara ku kulmeen jabhadda ONLF iyo dowladda Federal-ka Itoobiya, halkaas oo uu uga furmay shir ay ku soo afjarayaan dagaaladdii u dhexeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com