DHAGEYSO: Nin uu silciyay Cabdi Iley oo soo toosay isagoo lagu murmayo halka lagu aasi lahaa (Wareysi)

“Waxaan soo miyir saday iyadoo laga arrinsanyo meeshii la igu aasi lahaa” ayuu yiri Xasan Axmed oo dib u milic sannado badan oo uu xoriyaddiisa ku waayay in looga shakiyay in uu ONLF taageero.

Xasan Axmed isaga oo u waramaayay Idaacada BBC-da ayuu ka warbixiyay waxa uu kala kulmay toban sano oo uu Xabsi ku jiray ayuu sheegay in uu 21 jir ahaa marka la xiray haddana sida carruurta gacmaha la qabto marka uu soconayo.

Maamuulkii dhawaan xilka laga qaaday ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa uga shakiyay Xasan in uu ka tirsanaa jabhaddaha hubeysan ee ONLF, inkastoo uu sheegay in uusan shuqul ku lahayn oo uu ku hawlanaa barashada culuunta caafimaadka oo uu koleej Jigjiga ku yaalla ka baranayay.

Xasan wuxuu ka mid ahaa boqolaal dhallinyaro ah oo muddo sannado ah lagu hayay xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Itoobiya.

Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer jeel Ogaadeen ay ka dhaceen tacaddiyo aadanaha ka dhan ah.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA XASAN AXMED OO DHAMEYSTIRAN