Gabar arday ahayd oo lagu dhex dilay jaamacaddii ay ka dhiganeysay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda.

Dabley hubeysan ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay Aamina Xuseen Xasan, halkaasi ayayna ku toogteen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal.

Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen  gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday.

Gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan lama oga waxa ay aheyd marka laga reebo inay dhiganeysay Jaamacadda.

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsi, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, ardayda xiisadaha u doontay Jaamacadda ayaa la soo fasaxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com