DF oo war ka soo saartay faro-galinta ay sheegeen maamullada in lagu hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay faragalin la sheegay inay ka cabanayaan Madaxda maamulka Goboleedyada dalka.

Xukuumada ayaa sheegtay in cabashada kasoo yeereysa maamulada ay tahay mid ku timid sixitaan lagu hayo khaladaad is biirsaday.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka hadlaayay faragalinta ay ka cabanayaan maamulada ayaa sheegay in tabashooyinkaasi lagu xalin doono dadaalo ay wadaan.

Khadar waxa uu sheegay in dalaalada ay wadaan uu yahay mid ay ku doonayan sidii looga gudbi lahaa khilaafka labada dhinac.

Madaxda maamulada ayuu sheegay in laga doonayo inay kala saaran tabashooyinkooda iyo ka qeybgalka shirarka looga arrinsanaayo masiirka dalka.

Khadar waxa uu madaxda maamulada u diray fariin ah iney yimaadaan Muqdisho, si ay u ajiibaan baaqii Madaxweyne Farmaajo.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dalka, ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira iney faragelin ku hayaan Maamul goboleedyada, taasoo qeyb ka eheyd war saxaafadeedka ay soo saareen golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ee ku shiray Kismaayo.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Wixii tuhun ah iyo turxaan bixin ah diyaar beynu u nahay, dhaqanka Somaliyeedna bey qeyb ka tahay, weynu sameyn doonaana, wax faragelin ah oo dowladda federaalka ay ku heyso ma jiro Maamul gooleedyada”.

Si Kastaba, 17-kii Bishan, waxaa baaqday shirkii golaha amniga Qaranka ee uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), kadib markii ay iska diideen ka qeybgalkiisa Hogaanka Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com