Dhageyso: Taliye shaaciyey habka iyo dadka sii daaya dadka falalka amni-darro loo soo xiro ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa maanta si ukul uga hadlay dhibaatooyinka amni-darro ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Jeneraal Bariise, waxa uu sheegay in mararka qarkood falalka amni-darro ay dad u qabtaan Ciidamada Booliska balse ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah difaacaya, oo ka tirsan booliska, kadibna sii daynaya.

“Runtii waxaad arkeysaa markii ciidamada booliska gacanta ku soo dhigaan rag falal amni-darro ka gaysta Muqdisho, inay dadkaas ka daba imaanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ha ahaadaan saaraakiil ciidan, iyo kuwo kale, iyaga oo qofkaas difaacaya” ayuu yiri Taliye Bariise.

Hadalka Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xilli dilalka loo geysanayo ciidamada dowladda iyo dad shacab ah ay maalmahan ku soo bateen magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa manta gudaha u galay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), kadibna waxay tageen mid ka mid ah fasallada, halkaasna waxay ku toogteen gabar ka mid ahayd ardayda oo lagu magacaabay Aamina Xuseen Xasan.

Sidoo kale waxaa shalay magaalada lagu dilay kadibna lagu gubay nin kasoo jeeday beesha Jareerweyne, kadib markii wiil uu adeer u ahaa uu guursaday gabar kasoo jeedda beelaha isku arkay inay dadka ka sareeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com