Sidee wax u dhex-mareen reerka ninka Muqdisho lagu gubay iyo reerka gabadha laga guursaday? (Warbixin)

Dil noociisa oo kale uusan waayadan soo marin Soomaaliya ayaa laga soo sheegay magaalada Muqdisho, kaasoo loo gaystay allah u naxariistee marxuum ka soo jeeda beesha Jareer weyne oo la yiraahdo Axmed Mukhtaar Saalax.

Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa BBC u sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ka soo jeeda reerahooda oo ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka, iyo gabar u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega.

“Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go’aan isla gaareen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaasoo bam gacmeed adeegsaday” ayuu yiri Nuur.

Wuxuu intaa ku daray in la xiray dadkii falka lagu tuhmay inay gaysteen oo ay ku jirto gabadha hooyadeed, laakinse “odayaashii dhinaca abtiyaasha” ay wacad ku mareen in “talaabo ficil ah ay ka qaadi doonaan xarigaas”.

Talaabadaas ayuu sheegay in ay noqotay in weerar lagu qaado Axmed Mukhtaar Saalax oo ay weeraraan “dad gaaraya 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin” ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey in “baasiin lagu shubay, ka dibna la gubay”. Laakinse ma cadda in markii uu dhintay meydkiisa la gubay, ama isagoo nool dab la qabadsiiyey.

Arrintan ayaa tan iyo shalay aad looga hadal hayey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, ayadoo la soo dhigay sawirro aad looga naxo oo muujinaya jirka marxuumka oo gubtay.

Nuur wuxuu BBC u sheegay in meydka Axmed Mukhtaar Saalax aan ilaa hadda la duugin, “ilaa iyo inta sharciga laga hor keenayo dadkii dilkiisa ka dambeeyey”.

Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Hore ayaa waxaa u dhacay in dad loo dilay sababo la xiriira guur ay is guursadeen qabaa’il aan hore isu guursan jirin, laakin in meyd ama qof nool la gubo ayaa ah arrin ugub ah oo aan meelna ka soo galin diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Inkastoo uu Nuur Maki Muunye sheegay in dad loo xirxiray, haddana nooma suurto galin in aan Booliska helno, si aan uga xaqiijinno in ay jiraan dad loo qabtay kiiskan.