Musuqa lagu hayo Canshuurta G/Banaadir oo gaaray heerkii ugu sareeyay & Yariisow oo qeyla dhaan afka furtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dowlada Federaalka ah ee Somalia dhawaan sheegtay inay la dagaalantay Musuq-maasuqa dhaqanka u ahaa shaqsiyaadka xilalka ka haya dowlada, ayaa waxaa soo baxaaya kiisas cusub oo la xiriira musuqa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo arrintaas ka hadlaayay ayaa sheegay inuu jiro kiisas badan oo la xiriira Musuqa kaa oo ay iminka xaqiijiyeen.

Yariisow, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka Soomaaliyeed , kuwaasoo aan haba yaraatee ku dhicin Qasnadda dowladda.

Waxa uu Yariisow sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Shaqsiyaad gaar ah ay adeegsadaan Hantidda loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku goodiyay inay daaqada ka saari doonaan shaqsiyaadka lagu helay musuqa muuqda.

Shaqsiyaadkaas ayuu sheegay Yariisow inay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan, waa haddii ay is dabaqaban waayan shaqsiyaadkaas.

Sidoo kale,Yariisow ayaa arrin muhiima ku sheegay in canshuurta laga qaado Shacabka ay muhiim tahay in ay ku dhacdo qasnadda dowladda si dib loogu soo celiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com