26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Muudeey: Farmaajo ha ka fiirsado ra’iisul wasaaraha uu soo xulayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xasan C/qaadir Muudey oo ka tirsan Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee PDP, ayaa si diiran u soo dhaweeyay guusha uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ka gaaray tartankii doorashada madaxtinimada ee dalka.

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa yiri “Marka ugu horeyso waxaan jeclahay inaan halkaan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee la doortay. Marka xigtana waan ku diirsanay sida Xildhibaanada ay uga jawaabeen rabitaankii shacabka.”

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa markale yiri “Shacabka Somaliyeed oo hadlay waxay dalbadeen in la soo doorto hogaamiye ku haboon hogaaminta dalka, iyadoo ay Xildhibaanadu ka jawaabayaana waxay soo doorteen hogaamiiyihii mudnaa, waana Farmaajo.”

Xasan C/qaadir, ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay in uu si dhow uga fiirsado shakhsiga uu doonayo in uu u soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha xigga ee Xukuumadda.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan ugu baaqayaa in uu aad uga fiirsado shakhsiga uu u soo magacaabayo Ra’iisal Wasaarihiisa. Waa inuu aad uga fekeraa ninka uu jegadaasi u xulanaayo.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Muudey, ayaa intaa ku daray “Isagoo qiimeynaya Madaxweynaha marxaladda uu dalkeenu maraayo waa inuu soo magacaabaa shakhsi ka bixi kara hawshaan. Haddii Madaxweyne Farmaajo aanu samaynin wada tashi dheer, waxay rajo beel ku rideysaa shacabkii wadooyinka isugu soo baxay ee taageeray.”

- Advertisement -

Read more

Local News