Puntland oo qabatay Gaari nooca Xamuulka oo qaraxyo culus siday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Gaari nuuca Xamuulka ah oo lagu soo raray walxaha Qarxa.

Ciidamada maamulka ayaa Gaarigaasi kasoo qabtay deegaan lagu magacaabo Beyra oo dhaca duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa la sheegay in Gaarigaasi ay ka dhex heleen Qaraxyo waaweyn, Kiimiko iyo Jawaano dhowr ah oo aan wali la sheegin waxa ku jira.

Saraakiisha amaanka maamulka ayaa sheegay in xogta ay heleen ay muujineyso in Gaarigaasi nooca xamuulka ah ee Qaraxyada sida uu ka imaaday dhanka Gobollada Dhexe ee dalka.

Dhinaca kale, Saraakiisha ayaa sheegay in Sawirada Gaariga iyo Qaraxyada ay goordhow la wadaagi doonaan Saxaafada.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com