Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhici doona magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ka dhaco Banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Banaanbaxyada ayaa waxaa ka qeybqaadan doona Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada kuwaa oo ay wehlin doonaan Shacab farabadan.

Banaanbaxyada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacaan taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka ku sugan Boqolaal ruux oo isku diyaarinaaya Banaanbaxa la filaayo in goordhow uu ka dhaco taalada Daljirka Dahsoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com