Shacabka oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu wax ka qabto 7 arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadk magaalada Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya isbedelka muuqda ee uu dalka galay tan iyo markii Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka dhabeeyen riyada Shacabka Soomaaliyeed.

Dadka shacabka ah ayaa is weydiinaaya isbedelka uu Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ku sameyn doono Cadaalad darida iyo Musuq-maasuqa laga sheegaya inay ka jirto Xarumaha Dowlada.

Dadku waxa ay saadaalinayaan in Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, uu howlihiisa shaqo ka bilaabi doono la dagaalanka Cadaalad darida ka jirta dalka iyo Musuq-maasuqa baahsan ee ka dhex jira Xarumaha ay maamusha dowlada.

Qodobada ugu badan oo ay dadku hadalhayaan isla markaana Madaxweynaha ka dalbanayaan in wax laga qabto ayaa waxaa kamid ah:

1-Boobka Hantida Qaran ee xad dhaafka ah

2-Laaluushka ay Madaxdu ka qaataan dadka shacabka ah xiliyada ay ku sugan yihiin goobaha Garsoorka.

3-Boobka lagu hayo Guryaha shacabka isla markaana qaabab hoos iska taabat-ka ah ay u xukmiyaan Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

4-Xuquuqda Ciidamada Qaranka oo gasha Jeebka Taliyayaasha Hay’adaha amaanka.

5-Shaqaalaha Dowlada oo lagu diiwaan galiyo Hab qabiil iyo dadka Aqoonta leh ay yihiin kuwo laga ilaaliya ka shaqaaleysiinta Xarumaha Dowlada.

6-Saraakiisha Ciidamada oo aan lagu xulan Aqoonta iyo kuwa aan laheyn aqoonta oo la sara mariyo.

7-Mas’uuliyiinta Dowlada oo awooda ciidanka u adeegsada shacabka maatida ah.

Dadka shacabka ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu baaqay inuu wax ka qabto 7 qodob ee kor ku xusan si bey yiraahdeen looga gudbo dhibaatada lagu qabay Dowladihii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka dhowr sugaaya waxqabadka Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com