QM oo farriin deg deg ah usoo dirtay madaxweyne Farmaajo

New York (Caasimadda Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si diiran usoo dhaweeyey doorashadii xalaasha aheyd ee ka dhacay Soomaaliya Arbacadii lasoo dhaafay waxaana bayaankaan soo saaray 15 xubnood oo ka tirsan  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in Soomaaliya ay horumar kusii socoto tan iyo sannadkii 2012kii markaas oo ay Soomaaliya ka baxday xukunnadii isxiggay ee kumeel-gaarka loogu magac daray.

Sidoo kale waxay ugu baaqday madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu waqti macquul ah oo laga fiirsaday kusoo magacaabo Ra’isulwasaare awood u leh inuu samata-bixiyo Soomaaliya.

Waxaa Madaxweynaha loogu baaqay inuu si deg deg ah wax uga qabato abaaraha ku dhuftay gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa ka dhawaajisay in boqolkiiba 40 dadka Soomaalida ay u baahan yihiin cawinaad raashin ah maadaama ayasan heysan raashin ku filan.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la xasuustaa inuu maalintii xigtay doorashadiisa uu  shir la yeeshay hey’adaha UN-ka markaas oo uu ka codsaday inay si deg deg ah ugu gurmadaan shacabkiisa dhibaateysan.

Caasimadda Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com