Jawaari oo sheegay in Farmaajo uu tusi doono xaqiiqda dalka ka jirta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hadlay dhismaha Dowlada Cusub ee Somalia.

Jawaari, ayaa sheegay in labada Aqal ee dalka ay dhowrayaan talaabooyinka uu qaadi doono Madaxweynaha Cusub Maxamed C/llahi Farmaajo.

Jawaari, waxa uu sheegay in labada Aqal ay ka go’an tahay inay hormariyaan dhammaan sharciyada dalka, waxa uuna tilmaamay in wadashaqeyn dhow ay la sameyn doonaan Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari, waxa uu carab dhabay in Madaxweynaha cusub ay tusi doonaan xaqiiqda dalka ka jirta iyo halka ay ka xigto Midnimada Somalia.

”Labada Aqal waxa ay diyaar u yihiin inay garab istaagan Madaxweynaha cusub, waxaan kala shaqeyn doonaa wax waliba oo lagu hormarin karo masiirka umadda Soomaaliyeed”

”Madaxweynaha waan kala talin doonaa cida munaasibka ku ah Ra’isul wasaarenimada maadaama aan tallo ku leenahay”
Jawaari waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ay ku imaaday rabitaanka Shacabka waxa uuna cadeeyay in ficil waliba ay ku saleyn doonaan midnimada iyo Dowlad jeceelka shacabka ay muujinayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in muddo 30 Cisho gudaheeda uu kusoo magacaabo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, si loo dhiso Golaha Wasiirada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com