3 arrin deg deg ah oo looga baahan yahay inuu qabto Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa sii kordhaya talooyinka la siinayo madaxweynaha dalka.

Prof Afyare Cabdi Cilmi oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Farmaajo hadda looga baahan yahay inuu seddex arimood wax ka qabtaa si deg deg ah.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in looga baahan yahay inuu maareeyo dareenka shacabka Soomaaliyeed ee u muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin doorashadiisa.

Arinta labaad ee laga doonayo ayuu ku tilmaamay aqoonyahanka inuu wada tashi guud la sameeyo dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ee doortay iyo kuwii aan dooranba.

“Howl culus baaa u taallo madaxweynaha, laakiinse Saddex qodob baan is leeyahay waa laga doonayaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana kamid ah In la maaareeyo waxyaabaha dadku ay filayaan, waxaa muuqata in dadku ay filayaan wax aad u weyn, dadku waxay sugayaan in waxweyn loo qabto maadaama ay doorteen wixii ay rabeen”

Midda kale ee aan isleeyahay wey taagan tahay waxa weeye, waxaan u maleynayaa in Farmaajo uu dareensan yahay xaaladda uu kasoo baxay oo dadku aad u kala qeybsan yahay, dadka isaga u codeeyey aaney is waafaqsaneen, meeshaas waxaa ku jira inuu tuso Labo arrin”

“Marka Koowaad inuu wada wadatashi la sameeyo oo ay arkaan in mid gaar ah duulaan ku ahayn isaga oo markii wadatashiyadaasi  la galayana hadane in degdeg u dhaqaajiyo magacaabista Ra’iisul wasaaraha,”

“Qodobka Saddexaadna waa in xoogagga dheeraadka ah ee ay ugu horreeyaan dalalka deriska ah oo rabay inuusan isaga soo bixin ama u arkayey inuu dhib ku yahay uu la hadlo oo uu dhageysto oo uu yiraahdo aan ka wada hadalno masaaliixda naga wada dhaxeysa” ayuu yiri Professor Af yare Cabdi Cilmi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com