Xildhibaanoow kacdoonku yuusan inaga dhicisoobin (Faallo)

Samatar Baxnaan AUN oo loo soo sheegay war ka farxiyey ayaa waxaa laga hayaa
Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene
Hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye
Xawliga durduradaan ka biqi xeeb inaan tago’e

 Marka hore doorashada la doortey Madaxweyne Farmaajo waxaan ku soo dhaweynaynaa si taxadar leh, waayo wax badan baan inta kuwa guryahoodu u socda u sacabinay, caleemo qoyana ku soo dhaweynay, dabadeedna intay nala habaabeen haadaan nagala dhaceen. Waxaan ku qiimey doonaa hadba sida uu u guto waajibaadka loo igmadey. Waxaanse talo ku siinaynaa inuusan noqon madaxweyne Afrikaan ah oo hadii aan xukunka khasab looga qaadin, ka taga asaga oo la hiifayo lana haaraamayo.

Ma ogtahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ah
Ma ogtahay rag kula doodayoo kuu danlaa jira e
Ma ogtahay inaad door heshaan lagula dooneynin
Ma ogtahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila e
Ma ogtahay digtoonaan la’aan dacar inaad leefi.
Abwaan Hadraawi 

Maqaalkayga dulucdiisu waxaa weeye farxad aan la qaybsanayo shacabka Soomaaliyeed, hambalyo iyo bogaadin aan u dirayo xubnaha Golaha Wakiilada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya oo muujiyey xilkasnimo weyn. Waxaan idinkugu hambalyeynynaa.

  1. In aad riyadii itoobiya beeniseen, oo aad muujiseen in wadankani uusan aheyn kilin ka tirsan Itoobiya, ee uu yahay wadan xor ah oo aayihiisa iyo masiirkiisa ka tashan kara.
  2. Waxaan idinkugu hambelyeynaynaa inaad Gabre u sheegteen in wadanka wali dad u noolyahay, dhibkasta oo nagu dhacayna xaalkayagu yahay harag libaax haadi ma jiido.
  3. In aad gabi ka tuuryeyseen kuwii aan caleemaha qoyan u lulay, farxada iyo reynreyntana ku soo dhaweynay ee abaalka nooga dhigay inay inta isku kaaya diraan, faraqana isugu kaaya xiraan anaga oo kala jeedna dabka nagu qabtey, oo waliba halkudhega ka dhigtay wali sii fiican uma gubane ii daaya aan si fiican u shiilee.
  4. In aad banaanka dhigteen kuwi wadaadada sheegaynayey iyo kuwii raga magaca leh dhaleen ee inta mas’uuliyiinta laga dhigay, iskaa daa dad iyo dal waxay u qabtaane bada Soomaalida baylihiyey, wadankana ku bulaaliyey inuu noqdo horyaalka calanka u sida tuugada iyo musuqmaasuqa.

Xildhibaanada Dawlada Federaalka waxaa u taala hawl badan, shacabkuna waxa uu ka qabaa rajo aad u sareysa, waxa marka la gudboon inaysan shacabka dawladnimada u ooman niyadjebin. Inkasta oo ay shaqadiina tahay aadna iiga war roon tihiiin, hadana aan degdegee waxaan is leeyahay hawlaha idin horyaala waxaa ugu horeeya.

  • In aad diidaan hadii laydin horkeeno xukuumad tayo daran oo xubnaheeda lagu soo xuley eex, saaxiibtinimo, qabyaalad, nin jeclaysi iyo hashiis ama qandaraas la galay waqtigii doorashada oo aan ka turjumeyn danaha ummada soomaaliyeed.
  • Waxaa gudoomiye idiin ah gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Maxamed Cismaan Jawaari oo nasiib u yeeshay inuu mar kale ku guuleysato gudoomiyenimada Golaha Wakiilada, golahaas oo aan ka sugaynay shaqadooduna aheyd inay noola xisaabtaamaan Golaha Xukuumada ee Dawlada Fedraalka, laakiin nasiibdaro uu Jawaari ka dhigay laan hoos timaada, kana tirsan Golaha Xukuumada, afartii sano ee uu xilkaas hayeyna, Jawaari waxa uu waqtigiisi ku dhameystay ilaalinta Xasan SHeekh gar iyo gardaraba iyo fulinta awaamiirta madaxtooyada. Gaboodfalkii uu Jawaari ku sameeyey Golihii Wakiilada kama aheyn aqoon la’aan ee waxay ahayd ku tala gal ay ujeedo ka danbeyso. Marka hadii uu isbadalka la jaanqaadana waa kheyr, hadii kale inaad asaga washamsi ku qaadaan baa ka mid ah hawlaha ugu horeeya ee idin horyaala, rajiimkii horena aan lakala reebin.

Xildhibaanada Dawlada Federaalka Soomaaliya waxaa laga dhowrayaa inaysan baylihin rajada iyo yididiilada ay ummada galiyeen. Waxaa laga dhowrayaa inaysan ku sifoobin buurtii la yiri waa foolanaysaa ee loo soo daawasha tagey ayada oo la rajeynayo inay buur kale dhali doonto, laakiin nasiibdaro irbada/cirbada dhashay. Allaha cisada badan waxaan ka baryeynaa inuu towfiiqda idin waafajiyo, awoodiinana idin tuso.

W/Q: Cabdiraxmaan Salaad
dhaguuf@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com