Muudeey oo digniin u kala diray xildhibaanada baarlamaanka ee aan u nugleen awaamiirtiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Abdiweli Ibrahim Mudey, ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia laga doonaayo inay ilaaliyaan nidaamka xaadiraada Xarunta Golaha Shacabka.

Abdiweli Ibrahim Mudey, ayaa sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia laga doonaayo inay kasoo gudbaan taageerida shaqsi gaar ah, waxa uuna ugu baaqay inay raacaan warqada Amniga xarunta ee uu soo saaray.

Muudeey ayaa yiri ‘’Xildhibaanada baarlamaanka ha ilaaliyaan nidaamka lagu galaayo xarunta ee ku qeexan warqada aan soo saarnay 29-March-2018 ee la xiriirta amniga kulanka’’.

Muudeey, waxa uu sheegay in Xildhibaankii baalmaraa nidaamka loo jideeyay uu isaga qaadan doona mas’uuliyada ficilka ka dhasha amar diidada uu sameeyo.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Abdiweli Ibrahim Mudey, ayaa Hay’adaha amaanka ugu baaqay inay iska xilsaaran sugida amniga, waxa uuna ka digay inay u hogaansami waayan awaamirta lagu siiyay xaqiijinta amniga Xarunta baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa goor sii horeysay waxa ay xireen qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka maanta oo Sabti ah ay ka war sugayaan waxa ay la yimaadaan Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com