Muungaab iyo SHARIIF Xasan oo mar kale qoorta isugu jiray (Murankii hore oo soo cusboonaaday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Maamulada Gobolka Banaadir iyo Koonfur galbeed ee Somalia ayaa sheegaya in labada maamul ay isku hayaan Canshuurta laga qaadayo, Geela Muqdisho loo keeno Qaliinka ee laga soo iibiyo deegaanka Siinka dheer.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Maamulka Gobolka Banaadir uu doonaayo inuu qaato lacagaha Canshuurta, halka Maamulka Koonfur galbeedna ay ku doodayaan in qaadista Canshuurta laga leeyahay dhanka Koonfur galbeed, islamarkaana Maamulka Mungaab uusan xaq u laheyn inuu canshuuro xoolahaasi loo soo safrinaayo Muqdisho.

Maamulka Koofur Galbeed iyo Ganacsatada Geela Iibisa ayaa isku Fahmi waayey in Canshuurta ay siiyaan Maamulkaas, waxaase ay Maamulkaasi ka Caroodeen taas, waxayna Sababtay in Koofur Galbeed ay Geela laga keeno Gobollada uu Maamulkaas joogo aysan soo mari karin,islamarkaana sameeyen goob lagu joojinaayo Geela.

Ganacsatada Geela keena Muqdisho ayaa iyagu ah kuwo ku doodaayo in Canshuurta ay mudan tahay in lasiiyo Maamulka Gobolka Banaadir oo mas’uul ka ah goobaha lagu qalaayo xoolaha.

Lacagta Canshuurta ee Neefka Geela ah looga qaado deegaanka Siinka dheer ayaa ah 120,oo sh. Somali ah, waxaana Lacagtaasi qaata Maamulka Gobolka Banaadir.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa Seylad Cusub oo lagu Iibiyo geela ka Furay Lafoole, waxaana ay Ganacsatadu diideen in ay Suuqaas wax ku iibiyaan, intaas keddib ayuu isaguna ku Hanjabay in aysan Xooluhu soo dhaafi doonin Lafoole.

Magaalada Muqdisho ayaa si KMG ah looga hakinayaa iibinta Hilibka Geela sababo la xiriira Khilaafka labada Maamul awgeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com