26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Muungaab oo amar yaab leh soo rogay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, General Muungaab ayaa soo rogay amar cusub oo yaab leh, kaasi oo la xiriira dadka isku guursanaya magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku amrday dadka is guursanaya iyo Dalladaha Waxbarasho ee ka howlgala Magaalada Muqdisho in ay iska soo diiwaan galiyaan Xarunta Dowladaha Hoose ee Muqdisho, si wax badan loogala socdo..

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Axmed Showqi oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saaray amar ah in dadka doonaya in ay is guursadaan iyo Dalladaha Waxbarasho ee ka jira Caasimada in ay iska soo diiwaan galiyaan Xarunta Dowlada Hoose.

Axmed Showqi ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib u howlgaliyay xaruntii dad dhigista ee Dowlada Hoose , waxa uuna intaa raaciyay in dib loo soo celiyay adeeggii waaxda dad dhigista ee Dowlada Hoose oo mudo shaqeyn.

“Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan dadka ku nool gobolka banaadir in la soo celiyay adeeggii waaxda dad dhigista, sida warqadaha diiwaan gelinta qoyska, warqadda dhalashada, warqadda sugnaanta, warqadaha nikaaxa iyo furriinka

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in xarunta dad dhigista ay aheed mid hore u jirtay Xiligii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, hasa ahaatee mudadii bur burka la guda galay ay meesha ka baxday xaruntaasi hadana ay dib usoo nooleenayo maamulka Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News