“Muungaab oo dagaal ka dhex huriyey laba beel”

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qabaa’il ku saleysan ayaa kusoo laalaabtay deegaanka Gumarow iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Qaar kamid ah waxgaradka Shabeelaha Dhexe ayaa eedeyn u jeediyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho taasi oo ku aadan in hub uu leeyahay loo adeegsaday dagaalka ka dhacay deegaanada gobolka Shabeelah Dhaxe.

Cabdulaahi Axmed Maxamed, oo kamid ah waxgaradka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in gaadiid dagaal oo uu soo diray Muungaab looga qeyb qaatay dagaalka ka dhacay Deegaanka Gumarow, iyo deegaanada ku xeeran.

“Tiknikooyin uu leeyahay Muungaab iyo hubkiisa ayaa dagaalka loo adeegsaday, waana wax laga xumaado sababtoo ah in dagaal la huriyo waa laga wanaagsan yahay”ayuu yiri Cabdulaahi.

Dhanka kale maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay iney ku howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa dagaalka ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Warsheikh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com