Guuleed oo dhismaha xukuumada GalMudug uu jahwareer ka haysto kaddib markii lagu tuhmay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ku howlan yahay dhismaha Xukuumada cusub ee Maamulkiisa ayaa waxaa hadana la soo warinayaa in Beelaha qaar ay kasoo horjeedaan qaabka loo yagleeli lahaa Xukuumada.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweyne Gulleed ayaa ka hor imaaday shaxda dhismaha Xukuumada oo uu soo bandhigay C/kariin Gulleed.

Mas’uuliyiintaasi oo garabsanaaya Odayaasha ayaa si cad u diiday hanaanka uu Madaxweynaha kusoo dhisaayo Xukuumada waxa ayna u sheegen in dhismaha uu yahay mid ay far ku godantahay, hayeeshee aysan aqbali doonin.

Muxudiin Salaad Ceyryaamo oo kamid ah Odayaasha ayaa sheegay in liiska uu yahay mid looga beeray cadaalada waxa uuna sheegay inuu socdo qorsho lagu qadinaayo beelaha qaar ee ka qeybgalay shirka.

Waxa uu tilmaamay in liiska lagu hardhay shaqsiyaad laga soo gudbiyay magacooda Madaxtooyada Somalia, taasina aysan ka turjumeynin cadaalada iminka loo baahnaa.

Wuxuu ka digay in Maamulka Galmudug lagu maamulo Siyaasada Madaxtooyada Somalia, hadii ay taasi dhacdana ay waajib ku noqoneyso inay talaabo cad qaadan.

Geesta kale, waxa uu Madaxweynaha Galmudug ku booriyay inuu usoo laabto cadaalada oo uusan ka beyrin ballanqaadkii uu sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com