Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in laba arrin oo wareerisay uu degdeg ah ku xalin doono

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladiisu ay hamuun u qabto soo afmeerida Khilaafyada ka dhexeeya DF iyo Beelaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan waxa uu tilmaamay in Dowladiisu mudada u harsan ay xooga saareyso laba arrin oo uu sheegay inay ahmiyad gaar u leedahay Dowlada waxa uuna ku kala sheegay:

1-Xalinta tabashooyinka Beelaha Soomaaliyeed.

2-Xalinta Khilaafyada Hogaamiyayaasha Gobolada kala dhexeeya DF Somalia, waxa uuna sheegay in Dowladu ay wado qorshayaal lagu dhisaayo Baarlamaankii dooran lahaa Madaxweynaha imaan doono.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalidu ay ka daalen qabyaalad iyo khilaaf, sidaa darteed la doonayo in qof kasta uu u istaago midnimada iyo horumarka dalka ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka lagu ballansan yahay.

Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ay dhiirgalineyso hirgalinta dhismaha maamul goboleedyada iyo nidaamka federaalka, kaasoo dhigaya dastuurka KMG ah ee dalka, islamarkaana arrintaasi lagu gaari doono xal laga gaaro khilaafyada.

Haddalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili Beesha caalamka ay DF Somalia ku cadaadineyso xalinta Khilaafyada kala dhexeeya beelaha iyo Hogaamiyayaasha gobolada si loo taabagaliyo barnaamijka Hiigsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com