Xog: R/W Cumar C/rashiid oo ka horyimid qorshe ay waddo wasaarada maaliyada oo laga qeyliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu ka hor imaaday qorsho mushaar dhimis ah oo ay wado Wasaarada Maaliyada.

Qoraal uu Ra’isul wasaare Cumar u gudbiyay Xafiiska Wasiirka Maaliyada ayaa waxa uu ku qaadacay in mushaar dhimis lagu sameeyo shaqaalaha ka howlgala Xafiiskiisa bacdamaa Shaqaaluhu ay dacwad u gudbiyeen Xafiiska Cumar.

Qorshahaani uu Ra’isul wasaaraha ku difaacaayo Shaqaalaha ka howlgala Xafiiskiisa ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Mas’uuliyiinta heysa agaasinka Xafiiska kuwaasi oo ka cabsi qaba inuu saameyn ba’an ku yeesho mushaar dhimista socta.

Dhawaan ayey aheyd goortii Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Maaliyada uu shaaciyay in Wasaaradu ay mushaar dhimis ku sameyneyso Madaxda Qaranka iyo shaqaalaha Dowlada, waana tan keentay in Cumar C/rashiid uu ku difaaco xuquuqda shaqaalaha Xafiiskiisa, inkastoo aan la garankarin natiijada uu kala kulmi doono Wasaarada oo aan weli ka jawaabin qoraalkaasi.

Dhanka kale, Shaqaalaha DF Somalia ayaa xiliyada qaar laga lunsadaa mushaaraadkooda waxa ayna iminka walaac ba’an ka qabaan go’aanka looga nusqaaminaayo mushaarka xili aysan qaadan mushaar fiican.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com