“Inaan kala irdhowno xaaskeyga iyo caruurteyda waxaa sababay DF”…askari arrin calool xumo…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Naasir Cabdiraxmaan oo kamid ah Ciidamada Militeriga Somalia oo ka hadlaayay mushaar la’aanta Ciidamada ka heysata DF Somalia ayaa sheegay in muddo 6 bilood uusan arag wax mushaar ah.

Waxa uu sheegay in dalka uu kaga sugan yahay furunta dagaalka islamarkaana uusan helin nasiino iyo mushaar, taasina ay sabab u tahay is dabamarinta ka taagan Xarumaha Dowlada.

Naasir Cabdiraxmaan ayaa xusay inuu lahaa xaas iyo carruur Afar ka kooban, balse ay ku kala irdhooben bixin la’aanta Mushaarka uu xaqa u leeyahay, waxa uuna carabka ku dhuftay in Xaaskiisa iyo Awlaadiisa uu u waayay dhaqaale, sidaa awgeedna ay ku kala tageen.

‘’Walaal aniga iyo Ciidamo farabadan oo ila shaqeeya ma helin xuquuqdeena muddo 6-bilood, ma jecli inaan soo bandhigo dhacdooyinka aan la kulmaayo balse waan ku qasbanahay inaan ka hadlo. Aniga nolosheydu waxa ay ku tiirsan tahay mushaarka Dowlada aan ka qaato laakiin nasiib darro Lix bil ma arag wax mushaar ah, wey jiraan Ciidamo si qarsoodi ah loo siiyo mushaarka’’

‘’Maalintii aan qortay Ciidanimada kama aan fiirsan waayo hadii aan laga xishooneynin lunsashada xuquuqda ciidamada ku jira furumaha dagaalka waa ii ayaan darro. waayo waxba iima harin hadii aan bixin waayay qutulyoomka carruurteyda maxaa igu waajibay ?’’

Naasir Cabdiraxmaan waxa uu DF Somalia gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga, Taliyayaasha iyo Taliye xigeenada Ciidamada Militeriga ugu baaqay inay garwaaqsadaan dhibaatada ay ku hayaan Ciidamada.

Wuxuu faarujinta furumaha dagaalka uu sabab uga dhigay Dowlada Federaalka oo aan bixineynin xuquuqda Ciidamada, balse Ciidamaduna aysan ku shaqeyn karin Mushaar la’aanta sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii, DF ayuu ku booriyay hadii aysan daacadnimo ku dhaqi karin Ciidamada ay u sameyso barnaamijyo lagu bixinaayo raashiin, si qoyskooda ay ugu sugaan Mushaarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com