Beesha C/raxman Faroole oo kacday “Cabdi Weli GAAS waxa uu kasoo horjeedaa horumarkeena”!

Garoowe (Caasimada Online) – Cabdi Xaaji Yusuf “Shuluco” oo kamid ah odayasha beesha uu kasoo jeedo Faroole ee gobolka Nugaal ayaa sheegay farqi wayn uu ku dhex jiro Madaxwaynaha Puntland iyo shacabka Garowe isaga oo xusey in xallintiisa looga fadhiyo wasiirada iyo xildhibaanada gobolka Nugaal ka soo jeeda.

“Haddii dadka reer Nugaaleed wax tuhmeen inaad naga saartaan ayaa la idinka doonayaa ,waxaana arintaasi u xil saaran idinka iyo sagaalka xilidhibaan ee gobolka Nugaal kasoo jeeda.” ayuu yiri Shuluco isaga oo ka hadlaya kulan qado ah oo ay wasiirada xukuumada kaga jira gobolka Nugaal qabteen.

Waxa uu sheegay in Gaas uusan dooneyn horumarka magaalada Garoowe iyo beesha deggan.

Cabdi Shuluco oo soo hadal qaaday dhismaha golaha deegaanka degmada Garowe ayaa sheegay inuu Madaxwayne Gaas soo magacaabay gudoomiye cusub oo KMG ah kaasoo waqtigiisu ahaa 45 cisho ah, iyadoo la dhaafay mudadaasi.

Shuluco ayaa xusey inay taagan yihiin mashaariicdii ka soconaysay Garowe kuwaasoo qaybtood lacagtooda loo hayo. Wasiirka amniga Cabdi Xirsi iyo Caafimaadka Cabdinaasir Cuuke ayaa maanta qado u sameeyey qaar ka tirsan bulshada ku nool gobolka Nugaal kuwasoo ka dalbanayey iney la shaqeeyaan xukuumada uu madaxda ka yahay Cabdiweli Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com