Xog: Xasan Sh. oo farageliyay khilaaf laba wasiir u dhaxeeyey (CC oo magac u yaal laga dhigay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo fara geliyay khilaaf u dhaxeeyay laba wasaarood oo ka mida wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo isku heystay arrinta maalgashiga dalka, kadib markii khilaafkaasi uu xalin waayay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo guddi u saaray khilaafkan.

Labadan wasaaradood oo kala ah Ganacsiga iyo Arrimaha dibadda, waxayna arrintan timid iyadoo wasaaradda Ganacsiga ay June 2013 Baarlamaanka u gudbisay Hindise sharciyeed ku saabsan Maalgashiga dalka oo muddo dheer qaatay kadibna dib loo celiyay, Kadibna waxaa soo if baxay sharci kale oo wasaaradda arrimaha dibadda dooneyso in Baarlamaanka loo gudbiyo, waxaase ka hor timid  wasaaradada ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Cabdi Cusmaan iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa arintooda Ra’iisal wasaaraga guddi wasiiro ah  u saaray, kuwaasoo meel saari waayay ilaa uu ka soo farageliyo madaxweyne Xasan Sheekh oo si cad ugu sheegay wasaaradda Ganacsiga inaysan wax shaqo ah ku lahayn arrinta maalgelinta oo ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda, sidaasina sharciga maalgashiga ay Baarlamaanka geyn doonto Wasaaarada arrimaha dibadda.

Ra’iisal wasaare ayaa u muuqda mid caajis ah oo golihiisa wasiirada aan kala go’aamin kara, isagoo la sheegay inuu ka gaabsado go’aan uu ka qaato arrimaha xasaasiga ah. Tani waxay keentay in madaxweynaha gacanta la soo galo xukuumadda oo marna guddoomiyo shirarka golaha wasiirada, marar kalena kala saaro is qabashada wasiirada.

Isha goobjooge