Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo + Ujeeddada

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen madaxweynaha maamulka Jubba iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa markii ay tageen magaalada Kismaayo waxaa loo galbiyay dhismaha jaamacada magaalada Kismaayo halkaasi oo saldhig u ah ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana wafdiga qeyb ka ah xubnaha labada gole ee dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa waxaa magaalada Kismaayo la filayaa inuu kula kulm madaxweynaha maamulka Jubba oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo dowlada federaalka Soomaaliya, waxii ka dambeeyay markii sharci daro laga dhigay baarlamaanka maamulka Jubba.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wado qorshe madaxda maamul goboleedyada uu ka dhaadhicinayo doorashada sanadka 2016, maadaama loo badinayo doorashadaasi iney kaalin weyn ku lahaan doonaan maamul goboleedyada.

Waxaa haatan dowlada Soomaaliya  ee madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud uu khilaaf kala dhaxeeyaa maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com