Guddoomiyaha Guddiga Xaduudaha Soomaaliya iyo ku-xigeenadiisa oo la doortay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka lagu doortay Guddoomiyaha Guddiga Xaduudaha dalka iyo ku-xigeenadiisa.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Wasiiro ku-xigeeno, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale kuwaasi oo la socday qaabka ay u dhaceysay doorashada.

Guddoomiyaha gudiga ayaa waxaa loo doortay Khaliif C/kariin Maxamed,halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Muuse Waxgarad C/llaahi.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Guddiga Xaduudaha iyo Federaalka ayaa waxaa loo dooryay Liibaan Cali Sahal, waxaana doorasho kadib halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xubnaha la doortay.

Khaliif C/kariin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xaduudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in gudigiisa ay la imaan doonaan howlo lagu dardar galinaayo Shaqooyinkooda, waxa uuna tilmaamay in saldhig uu ahaan doono cadaalada.

Guddoomiyaha waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in DF Somalia, gaar ahaan Wasaarada arrimaha gudaha looga baahan yahay inaysan ka seexan howlaha Gudiga waxa uuna ballanqaaday in waxqabadkooda laga dareemi doono howshooda.

Dhanka kale, Guddiga Madaxa banaan ee Xaduudaha iyo federaalka Somalia ayaa ka Kooban 9 Xubnood oo dhawaan ay ansixiyeen BF Somalia.

Maamulada dalka ayaa dhawaan ka hor imaaday Gudigaani waxa ayna ku andacoonayaan inaan lagala tashan, sidaa awgeedna aysan aqoonsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com