Faah-faahin ku saabsan qaraxa HOTEL JAZEERA

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay iridka hore ee Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid laga soo buuxiyay gaar nooca iska rogaha ah ayaa waxa uu ku qarxay iridka Hoteelka waxaana la soo warinayaa in Qaraxa ay fashiliyeen Ciidamada amaanka Hoteelka oo dhowr xabad ku dhuftay gaariga inta uusan qarxin ka hor.

Hotelka waxaa degen safaaradaha Shiinaha iyo Qatar, diblomaasiyiin badan iyo xubno ka tirsan baarlamanka iyo dowladda Soomaaliya.

Dadka waxyeelada kasoo gaartay ayaa iminka waxaa loo sameynayaa gurmadkii ugu balaarnaa.

Waxaa iminka Hoteelka kusii qulqulaayo gaadiidka gurmadka waxaana la maqlayaa rasaas kala duwan oo ay ridayaan Ciidamada Hoteelka, iyadoona ay gabi ahaan xirantahay wadada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com