Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sameeyay magacaabis si weyn loofa fal-ceiyay, kadib markii uu dib usoo magacaabay guddoomiyihii hore ee degmada Heliwaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow, isaga oo u wareejiyay degmo kale.
Muungaab ayaa Mire u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada Daarusalaam, waxaana xilkii laga qaaday guddoomiyihii degmadaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxay xafiiska duqa Muqdisho.
“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Xilkii Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam laga qaaday Md. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud” ayaa lagu yiri wareegtada.
Sidoo kale guddoomiye Muungaab ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Degmada Daarusalaam in uu mudnaan siiyo horumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.
In dib loo soo magacaabo guddoomiye Mire Salaad Dhuxulow ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana ka falceiyay dad badan oo su’aallo ka keenay magacabistiisa.
Yuusuf Calasow: “Guddoomiye degma laga qaaday ee mid kale loo dhiibayo ma horumaraa mise dib u dhac?”
“Adiga oo mar xil lagaa qaaday haddii lagu soo celiyo waxaa tahay qof waxqadkiisa la mahdiyey hampalyo guddoomiye” ayuu yiri Xuseeen Saxnuuni oo ka falceliyay magacaabista.
Cabdiqani Aadan Xasan ayaa isaguna yiri: “Come back cajiib ah ayuu sameeyay Gudoomiye Mire Salaad Dhuxulow”.
Mustaf Nuur Qayloy: “Yarkan wala soo celiyay wa fiicanyahay miyaa?”.
Isbeddelkan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad oo uu haatan wado Muungaab oo horay xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo durbo xilalka la wareegay, waxaana arrintan ay qayb ka tahay qorshihiisa horumarineed ee caasimada.
Guddoomiyaha gobolka ayaa dardar u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.