Muungaab qurbo-joogta Muqdisho ku sugan ugu digay hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab ayaa soo saaray digniin ku aadan Qurbajoogta falalka anshax xumada ku sameeya Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Muungaab, ayaa uga digay raga ka yimid Qurbaha inay dalka ku baahiyaan dhaqan xumo uu sheegay inay kasoo barteen Qurbaha, isaga oo intaasi ku daray in Qurbajoogta laga rabo wixii wanaagsan inay dalka kusoo kordhiyaan balse wixii xun ay kasoo tagaan.

Xasan Xuseen Muungaab Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, ayaa xusay in ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya ammaanka Xeebta Liido la sameynayo, ciidankaasi oo isugu jira dhar cad iyo ciidan caadi ah, si ay tallaabo uga qaadaan dadka anshax xumida ku sameeya Xeebta Liido.

“Ciidan Dhar cad ah ayaan sameynaynaa iyo ciidan kamid ah kuwa ilaalada deegaanka oo Katiinado iyo Biskoolado wato, cidii anshax xumo lagu arko tallaabo ayaa laga qaadayaa”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa cadeeyay inaan loogu dulqaadan doonin Qurbajoogta inay baahiyaan dhaqano Diinteena Suuban iyo Dhaqankeena wanaagsan kasoo horjeeda, taasi bedelkeedana tallaabo laga qaadayo ragaasi.

Qurbajoogta ka timid Dibada ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa lagu dhaliilaa inay Xeebta Liido iyo Xeebta Jazeera ay ku sameeyaan falal anshaxa kabaxsan oo ay kusoo barteen wadamada Reer Galbeedka ah oo Diin xakamaynayso aysan laheyn.

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Tarsan ayaa horay usoo saaray digniin midaan lamid ah , oo uu ujeediyay Qurbajoogta Muqdisho kusoo noqotay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com