Sawirro: Shaqaale Turkish ah oo lagu weeraray Muqdisho & xog sheegaysa..

Warar lagu kolsoon yahay oo idaacada Dalsan ay heshay ayaa tilmaamay in Hey’add ka shaqeysa Arimaha dekaddaha islamarkaana xarun ku la heyd Aga gaarka Dekaddii hore ee Duqa ee Magaalada Muqdisho ayaa madaxtooda la isku da’yay in la dilo kuwaasi oo iskugu jiray Soomaali iyo Ajaanib,

Tiro mid ah ilaalada hey’adaas ayaa la sheegay in ay isku dayeen Xalay Saqdii Dhaxe in ay dilaan Madaxtooda hasa;yeehsee madaxda ayaa la tilmaamay in ay iska Caabiyeen oo ay risaas ayana ku fureen ilaaladii isku dayesay in ay dilaan kana dhaawaceen ilaa lix ka mid ahaa ilaaladii,

Arintaan ayaa dhacday xili ragga madaxda u ah hey’adaas ay ku sugnaayeen goobta ay ka degan yihiin dekaddii hore ee Duqda ragaan oo ayana ku hubeysnaa biskoolada ayaa ayaa dhaawacay ilaadadii isku dayay in ay dilaan,

Warar qaar ayaa tibaaxaya in sidoo kale gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah ilaaladii oo falkaan ku lug laheed,

Arintaan ayaa timid kadib markii Madfac uu ku soo dhacay meel ay ku sugnaayeen madaxda ka dibna ay ka shakiyeen ilaadii halkaasina ay ka dhalatay iska hor imaad ay ku dhwaacmeen labao ka mid ah Madaxda hey’ada una dhashay dalka Turkiga mid ayaa dhaawaciisa aad u liita