Muqdisho: Askart DFS oo dagaalamay

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-rasaaseyn uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, ayaa xalay ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Israsaaseyntaan ayaa timid kadib markii Gaari nooca raaxada ah oo ahaa Nooho islamarklaana uu saarnaa Askari ku labisnaa dharka ciidanka Militriga uu diiday inla baaro madaama xiliyada habeenkii halkaas gadiidka lagu baaro.

kadibna ayrasaas dhaxmartay Askarigii gaariga sarnaa iyo ciidamo Police ahaa oo halkaas ku sugnaa taas oo sababatay in uu geeriyoodo Askarigii gaariga la socday.

Gudoomiyaha X/weyne C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub oo aan telfoonka kula xiriirnay ayaa Inooga warbixiyay sida ayw ax u dhaceen Madaama xiliga ay arintaan dhaceyse uu goobta ku sugnaa.

Waxana uu sheegay in sidoo kale gaariga uu san laheyn wax taargo ah,Xaalada ayaa dagan waxaana goobta laga qaaday Askarigii Maydka ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska MUqdisho
Caasimada@live.com