DF oo shaacisay qorshe wax ku ool ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamuud Colow Barrow ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan kalluumeysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta shisheeye ay ka sameeyaan badaha Soomaaliya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay inay sameyn doonaan qorshe ay la kaashanayaan ciidamada badda Soomaaliya oo looga hortagayo kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Wuxuu xusay inay wasaaradda ku howlan tahay sidii ay bulshada loogu dhiirrigelin lahaa ka faa’iideysiga kheyraadka badda.

Wasiirka ayaa dalal kala duwan uga soo qeyb galay shirar arrimaha kalluumeysiga looga hadlay, wuxuuna markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah caalamka kula soo heshiiyay in markab kasta oo soo galaya biyaha Soomaaliya ay khasab tahay inuu oggolaasho ka heysto dowladda Soomaaliya.

Maraakiib iyo doonyo shisheeye ayaa lagu eedeeyaa inay badaha Soomaaliya ka sameeyaan kalluumeysi sharci-darro ah iyagoo ka faa’ideysanaya la’aanta ciidamo badeed oo awood leh oo xeebaha Soomaaliya ka howlgala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com