Arag Sawirro: Gabar Canada degan oo guri u dhistay gabadhii 14 jirka ahayd ee Muqdisho ka noqotay caseeyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Horaantii sanadkan ayaa idaacada Kulmiye ee Muqdisho, waxa ay baahisay wareysi ay ka qaaday gabar lagu magcaabo Faadumo Abuukar Maxamed oo 14 sano jir ah taasi oo aheyd gabadhii ugu horeysay oo la arko iyadoo caseeye Somaliya ka noqotay.

Marka ay idaacada Kulmiye wareysigaas sii deysay aya waxaa wabseedka Idaacada ka dhageystay gabar Soomaaliyeed oo deggan waddanka Canada waxaana ay xariir la soo sameysay Xarunta dhexe ee Kulmiye oo ku taalla Muqdisho.

Gabar Soomaaliyeed ayaa waxa ay balan qaaday in ay noloshooda kafaalo qaadi doonto gabadhan caseeyaha ah iyo qoyskeeda waxbarshana ay ka bixin doonto dhamaan ilamaha la dhashay faadumo oo ah gabar caseeyaha aheyd.

Shalay ayaa idaacada kulmiye waxa ay qoyska faadumo gudoonsiisay Guri iyo joodariyaal iyo shumac oo ay soo dhiibtay gabadha Somaliyeed ee Canada Ku nool qoyskana kafaalo qaaday.

Goobta Deeqdan lagu doonsinayay qoyskaan ayaa waxa ka hadlay Agaasime ku xigeenka idaacada Kulmiye ahna sii hayaha xilka Agaasimaha Idaacada Burhaan Diini Faarax oo deeqdan ay maanta gabadhaan Soomaaliyeed idaacada Kulmiye u soo marisay qoyskaan dhiban.

Ugu dambeyn Hooyo Haajaro Cusmaan Axmed oo ah hooyada dhashay Faadumo ayaa waxa ay gudoontay deeqdii la soo gaarsiyay waxayna u mahad celisay Gabadha Soomaaliyeed ee ku nool Canada Iyo Idaacada Kulmiye oo loo soo marsiiyay.

Halkaan ka daawo Sawirada meeshii ay qoyska ku noolaan jireen

1DSC08546DSC08547DSC08550DSC08562DSC08563DSC08571

Halkaan ka daawo sawirada guriga loo dhisay qoyska 

DSC08590DSC08591DSC08614DSC08636DSC08637

Halkaan ka daawo Sawirada qabaka Deeqda maanta la gudoonsiiyey Qoyska Faadumo Abuukar

DSC08635DSC08634DSC08632DSC08627DSC08615DSC08621DSC08622DSC08625DSC08612DSC08611DSC08610DSC08609DSC08608DSC08606DSC08604

Sawir qaade:C/kiriin Shujaac