Dowladda Mareykanka oo si kulal uga hadashay ficillada Kenya ee ISLII

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, ayaa si kulal uga hadashay ficillada booliiska Kenya ay ka wadaan xaafadda Islii, oo ay ku qeexday kuwa aan waafaqsaneyn xuquuqda aadanaha.

Mareykanka ayaa Booliska Kenya ugu baaqay inay dhowraan Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan xuquuqda dadka Soomaalida ee haatan Boliska u xiran.

Danjiraha Maraykanka u jooda dalka Kenya, Robert Godec ayaa codkiisa ku biiriyey xaalladda cakiran ee haatan haysata dadka Soomaalida ee lagu hayo Saldhigyadda Boliska iyo Garoonka Ciyaaraha ee magaalladda Nairobi.

Danjiraha waxa uu hadlkaasi jeediyey hal maalin kadib, markii ay Boliska ka hor istaageen inay Hay’adda UNHCR soo booqato dadka Soomaalida ee xiran.

“Dowladda Kenya xaq ayey u leedahay inay sugaan amamanka dalkooda, laakiin waa inuu Sharciga iyo Dastuurka xushmeyaa Xuquuqda Aadanaha, Waa muhiim marka Hawlgal amaman la qaadayo waa in la xushmeeyaa Xuquuqda Aadanaha” ayuu yiri Danjiraha.

Danjiraha waxa uu carrabka ku dhuftay inay Maraykanka ku taageerayaan Dowladda Kenya hawlgalka dagaalka ee lagula jiro waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay weli Kumanaan Soomaali ah weli ku xiran yihiin magaalladda Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com