Muuqaal: Jaaliyadda Sade ee Holland oo ka hadlay dagaalkii Beled-Xaawo

Shir ay isugu yimaadeen gudiga beesha Sade ee wadanka Holland oo ka dhacay magaalada The Hague ayaa waxaa looga hadlay dagaalka dhawaantan ka dhacay magaalada Baledxaawo iyo xiisada wali halkaasi ka taagan.

Guddoomiyaha beesha Sade Drs, Xamza Shiikh Xuseen “Hanoolaato”  oo shirka furtay ayaa waxay ku dheeraatay muhiimadda ay nabada u leedahay dadka walaalaha ah ee wada dhashay. Waxaana ay ayaandarro ku tilmaantay dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada halbowlaha u ah dhaqaalaha gobolka Gedo ee Baledxaawo.

Drs Xamza Sh Xusein Hanoolato

” Waxaana ugu baaqayaa walaalaha dagaalka isku horfadhiya inay dagaalkaasi degdeg u joojiyaan oo wixii khilaaf ah wadahadal ku dhameystaan. Lama joogo xilligii la hurin lahaa dagaalka ehelka ee waxaa la joogaa xilligii dadka la isku soo aruurin lahaa oo nabadooda laga shaqeyn lahaa ” ayey tiri Drs, Xamza Shiikh Xuseen.

Shiikh Ahmed Dhagaxtuur oo ah nin dhallinyaro ah islamarkaana si weyn u kala yaqaan magaalada Baledxaawo ayaa sheegay in magaaladaasi aysan mudneyn xilligan iyo xilliyo hore midna dagaal sokeeye inuu ka dhaco. Waxaana uu ku dheeraaday waxa ay diinta islaamka ka qabto dilka qof islaam ah oo aan waxba galabsan.

Col Cabdinasiir dhalo

Col, Abdinaasir Dhalo oo ka mid ah jaaliyadda Sadde ee kulankan uga yimid dalka Jarmalka ayaa waxaa uu ka hadlay taariikhda inta dagaal ee uu usoo joogay inay ka dhaceen magalaadaasi Baledxaawo. Waxaana uu si gaar ah u xusay ilaa 6 dagaal oo galaaftay nolosha dad walaalo ah, isagoona ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay xabada joojiyaan oo ay u turaan dadka shacabka ah.

Bidix: Mahad Shire, midig: Ali Kawaan

Cali Kawaan oo ka mid ah madaxda guddiga beesha Sade ee Holland ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay inay ugu baaqayaan dagaalkaasi kuwa wada inay shuruud la’aan ku joojiyaan, taasi oo uu sheegay inay dhabaha u xaareyso nabadii oo la soo celiyo iyo ka hor taga dhiig kale oo daata.

Col Cabdiweli Xuuke Jamac

Col abdiweli Xuuuke oo ka mid ahaa Saraakiishi hore ee Somalia ayaa asagana dhankiisa in nabad lagu soo dabaalo  dagaalada ka socd balad xaawo waxaana uu intaasi ku daray in  ka jaaliyad ahaan ay garab istaagayaan cidwalba oo nabada ka shaqaynaysa.

Dahir Ali Kamiin  ayaa dhankiisa sheegay in dagaalka Baledxaawo uu ku noqday lama filaan isaga iyo Soomaalida kale, waxaana uu sheegay in xilli lagu jiray nabadeynta gobollada dalka Soomaaliya oo dhan aan loo fadhiyin dagaal laga bilaabo Baledxaawo. Waxaana uu si gaar ah baaq ugu diray dhallinyarada gobolkaasi deggan oo uu sheegay inay ka fogaadaan hub in la isugu dhiibo.

Dahir Ali Kamiin

”  Dhallinyarada ayaan baaq u dirayaa waxaana leeyahay ka fogaada in hub la isugu kiin dhiibo, maxaa yeelay mustaqbalkiina ayaa ku lumaya dagaal sokeeye iyo mid kalaba” ayuu yiri Dahir Ali Kamiin oo intaasi ku daray.

” Tan iyo burburkii gobolka Gedo waxaa ka jiray hadba laba garab oo la isku hubeeyo si ay dagaal uga ridaan Gedo.Bal is weydiiya waxa laga dhaxlay dagaaladii hore ee dhexmari jiray garabyadii hore?. Sidaasi oo kale ayaan u arkaa labada garab ee dagaalka hadda ka wada Baledxaawo ee ha ka fiirsadaan foolxumada laga dhaxli doono” ayuu yiri Dahir Ali Kamiin.

Mahad Shire iyo Col, Ibrahim Canjeex ayaa dhankooda baaqa u diray dadka dagaalka ka wada Baledxaawo. Waxaana ay sheegeen in dagaal wiil ku dhinto mooyee inuusan dagaal wiil ku dhalan.

Sh Axmed Dhagax Tuur

Gandhaale Sare  Ibrahim Canjeex

sade

Ali Dahir Ciid,
Delft, Holland.

Halkan ka daawo warkaasi oo muuqaalka oo laga si dayay Tv ga caalamiga ah ee HCTV