Hoobiyeyaal lagu asqeeyey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeyn hoobiyaal caawa lagu garaacay degmooyin ku yaalla magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in ay degmada Boondheere ku soo dhaceyn ilaa seddax hoobiye kuwaasoo mid ka mid ah ay ku dhimmatay haweeney ku sugneed gurigeeda oo ku yaalla meel ku dhow wasaaradda arrimaha gudaha.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ka agdhawaayeen Suuqa Maanabooliyo oo u dhow degmada Boondheere.

Ilaa hadda ma cadda goobaha laga soo tuuray hoobiyaasha caawa lagu garaacay Muqdisho iyo halka uu bartilmaameedka ahaa.

Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay hoobiyaasha caawa laga maqlay Muqdisho.

Falalka ammaan darri ee caasimada ayaa waayahan soo kordhaayay, waxaana ugu dambeeyay qarixii galabta lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii horre ee dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Xamar Jajab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com