R/W SOMALIA oo si toos ah ula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga kadib markii..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu soo bandhigay wax qabadka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay daah furka ra’iisal wasaaraha xukuumadda,Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan dowladda, sidoo kale waxaa joogay safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya iyo xildhibaanno Turkiga ah oo maanta dalka soo gaaray.

Intii ay socotay xafladda waxaa si toos ah u wadahadlay ra’iisal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwelu Sheekh Axmed ayaa warbixin ka siiyey dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan howlaha baaxada leh ee ay dowaldda Turkigu ka wado dalka Soomaaliya.

“Waxaan ugu horrayn salaamayaa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyo Shacabkiisa oo si deeqsinmo leh ugu soo guramaday Soomaaliya xiligii ay ugu baahida badnayd, shacabka Soomaaliyeedna maahan kuwo waligood ilaawaya gacantii ay Dowlada iyo Shacabka Turkiga u fidiyeen. Gar gaarkiinu kuma ekayn dhinaca ban’adanimada kaliya, ee waxaad dib u dhis ku sameeyseen kaabayaashii dhaqaalaha oo Shacabka Soomaaliyeed xasuusanayo sidii ay Muqdisho ahaan jirtay iyo hada bilicda ka muuqata. Waxaana marlaabad idinka tacsiyadaynayaa masiibadii ka dhacaday dalka Turkiga todobaad ka hor,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali

Ugu danbayntii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Turkiaga dayactirka iyo qalabaynta balaaran oo ay ku sameeyeen Isbitaalka Digfeero, Iskoolada, iyo qaar ka mid ah Xarumaha Dowladda.

Turkiga waa dowladda kaliye ee sida hagar la’aaneed Soomaalida u garab taagan, waxaana ay magaalada Muqdisho ka wadaa mashaariic faradan oo dalka lagu horrumarinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com