Maxay ka hadleyn Geelle & Madoobe?

Djibouti (Caasimada Online)-Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti waxaa maalmahan ku sugnaa wafdi ka socda maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana ay kulamo la qaateyn madaxda dalkaas iyagoona booqday goobo muhiim ah oo dalka ku yaalla.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Axmed Madoobe waxaana la socda xubno ka tirsan maamulkiisa.

Waxa ay kulamo la qaateyn madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo ka soo laabtat safar uu ku maqnaa dalka Maraykanka.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha ay ka hadleen marka laga reebo saxafadda oo loo sheegay in ay ka hadleen xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo maamulka KMG ah ee Jubba iyo xaaladdaha guud ee Soomaaliya oo labada dhinac ay wax iska weydiiyeen.

Axmed Madoobe iyo xubnaha la socday ayaa sidoo kale booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas waxaana ka mid ah dekedda Jabuuti.

Axmed Madoobe ayaa booqasho ku marayay waddamo ku yaalla gobalka oo wuxuu horrey u joogay

Halkan ka daawo sawirrada kulamada uu Axmed Madoobe la qaatay madaxweynaha Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com